Wasiir Al-Cadaala “Dadka reer Galmudug waa kuwo aqbli kara guusha iyo guul-darada doorashada”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dakxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa xalay ka qeybgalay kulan lagu taageeraayey doorashada ku celiska ah ee Galmudug

“Dadka reer Galmudug micna gaar ah ayey doorashada dalka u leedahay, waana dad aqbali kara guusha iyo guul-darada”sidaasi waxaa yiri Wasiir Al-Caddaala.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dakxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kulankii xalay ka hadlay ayaa taageeray doorashada ku celiska ah ee Galmudug iyo musharaxa JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan.