Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa salaan sharafeed ugu tegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Guddoomiyaha oo Madaxweynaha Jabuuti gaarsiiyey salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka caasimadda, ayaa uga warbixiyey horumarrada kala duwan ee ka socda Muqdisho, isagoo sidoo kale ka mahadceliyay soo-dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen dhiggiisa Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud), Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiye Dr. Muungaab, ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay heerka xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal iyo labada shacab.

