Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo ay wehliyeen Sii-hayaha Howl-galka Ururka Midowga Yurub, Marwo Karin Gatt-Rutter, iyo Marwo Isabelle Ribot oo ah Madaxa Mashaariicda Ururka, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Soo-dhoweynta iyo Dib-u-dejinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, halkaasoo ay ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalalka Libya, Aljeeriya, Suudaan iyo Sacuudi Carabiya.
Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay howlaha iyo adeegyada ka socda Xarunta Soo-dhoweynta ee SRRC, iyagoo xog-wareysi la qaatay dadka la soo celiyey, si wax badan looga ogaado duruufaha nololeed ee wajahayaan dadka la soo celinayo, kuwa weli ku jira safarka tahriibka iyo sidii Dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa barnaamijyo ku dhisan xog sax ah oo ka jawaabi kara xaaladaha dadka soo laabanaya, taasoo ah yoolka Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal.
Intii lagu jiray kormeerka, wafdigan ayaa dul istaagay, islamarkaana warbixinno ka dhageystay wakiillada ka socda Hay’adaha Dowladda ee kamidka ah adeeg-bixiyeyaasha ku sugan Xarunta SRRC, kuwaas oo adeegyada kala duwan gaarsiinaya dadka la soo celiyey, sida Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Qoyska, Hay’adaha NIRA, Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta.





