๐ก๐ข๐จ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ง-๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ง๐๐ก๐๐-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต๐ ๐๐ธ๐ต๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฅ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ผ๐๐๐ฎ๐น๐ถ, ayaa Dalka Mauritania uga qeybgalaya Kalfadhiga 39-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dacwada iyo Shareecada Islaamka ee Siirada Nabiga, oo Maanta ka furmay Magaalada Nouakchott.
Shirkan oo soconaya muddo Saddex Maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 50 Dowladood, waxaana isugu yimid Culimo, Mas’uuliyiin iyo Wakiillo ka kala socda Dalal kala duwan oo Caalamka ah.
Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa Barashada iyo faafinta hanuunka Siirada Nabiga (NNKH), iyadoo si gaar ah looga hadlayo doorka Towxiidka, Akhlaaqda, saxidda Caqiidada iyo sidii mabaadiโdaas loogu xoojin lahaa Bulshada Muslimiinta.
Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Soomaaliya ku matalaya Shirkan Caalamiga ah, isagoo ka qeyb qaadanaya kulamada iyo doodaha looga hadlayo Arrimaha Diinta, Dacwada, iyo Iskaashiga Dowladaha iyo Hayโadaha Islaamiga ah.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee Kalfadhiga 39-aad ayaa sidoo kale fursad u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso Xiriirka ay la leedahay Dalalka iyo Hayโadaha Caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada Diinta, Waxbarashada iyo Iskaashiga Islaamiga ah.
Inta uu Shirka socdo, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu ka qeybqaato Kulamada iyo doodaha Madasha, isagoo sidoo kale Kulamo la yeelanaya masโuuliyiin iyo Wakiillo ka socda Dowladaha ka qeybgalaya Shirka.

