𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐑𝐂 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐭𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Hay’adda International Rescue Committee (IRC), ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay Shir soconaya muddo Saddex Maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo qorsheynta iyo xoojinta diyaargarowga Fatahaadaha ka dhasha Roobabka la xiriira El Niño.

Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta qorsheyaasha diyaargarowga, Iskaashiga Hay’adaha iyo qaadista tallaabooyinka hore looga hortagayo khataraha Fatahaadaha.

Shirka waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday Hay’adda SoDMA iyo IRC, Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), iyo Ururrada Maxalliga ah ee aan Dowliga ahayn (Local NGOs), kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda, qorsheynta iyo u-diyaargarowga xaaladaha Fatahaadaha ee la filayo.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo diyaargarowga, ka-hortagga iyo yareynta saameynta Fatahaadaha, iyadoo la dhiirrigelinayo iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Dowladda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.