Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo war ka soo saaray doorashada ku celiska ah ee Galmudug

Shir jiraa’id oo gelinkii dambe ee maanta xarunta Guddiga ku qabtay Afhayeenka Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ( GMDQS), ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug.

Guddiga, isagoo ku shaqeynaya awoodaha uu siiyay xeerka doorashooyinka Qaranka L,28 2024, wuxuu la wadaagayaa ururada siyaasadeed, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka arrimaha la xiriira ururada siyaasadeed ee ka qeyb galaya Doorashooyinka isku-sidkan ee ku celiska ah ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.

ka dib, markii ay soo dhammaatay muddadii loo asteeyay soo gudbinta liiska musharaxiinta oo horay loogu gudbiyay ururada siyaasadeed kuna ekeyd 12-ka september 2026, saacaddu marka ay ahayd 11:59 habeenimo,islamarkaana ay soo gudbiyeen 12-urur siyaasadeed liisaska musharaxiinta iyo shuruudihii laga rabay.

Sidoo kale, waxaa jira ururo siyaasadeed oo diiwaangashan oo aan soo gudbin liiska musharaxiinta muddadii loo cayimay, sidaas daraateed, ururada siyaasadeed ee aan musharaxiintooda ku soo gudbin muddadii loo cayimay wuxuu guddigu u arkay in ay san diyaar u ahayn in ay ka qeyb galaan doorashada ku celiska ah ee Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Fadhi uu yeeshay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka taariikhdu marka ay ahayd 13-ka september 2026, wuxuu go’aamiyay shaacinta liiska musharaxiinta ururada siyaasadda ee ku tartamaya doorashada ku celiska ah ee Galmudug, kuwaas oo si dhammeystiran u soo gudbiyay liiska musharaxiintooda.

Guddigu, wuxuu si gaar ah u caddeynayaa in go’aankani uu yahay mid la xiriira hannaanka iyo habraaca soo gudbinta liiska musharaxiinta oo kaliya, mana aha go’aan siyaasadeed oo xiriir la leh baabi’inta jiritaan sharci ee urur siyaasadeed diiwaangashan.

Doorasho kasta waxay leedahay jadwal u gaar ah habraacyo iyo waqti kama dambeys ah howlaha kala duwan ee doorashada, taas oo si siman ugu waajibaneysa ururada siyaasadeed in ay u hoggaansamaan isna waafajiyaan habraacyada iyo jadwalka uu soo saaray guddigu.

Guddiga wuxuu qirayaa doorka muhiimka ah ee ururada siyaasadda ay ku leeyihiim geeddi socodka doorashooyinka, waxaana ka go’an in uu xaqiijiyo hannaan doorasho cadaallad ah, hufan loo dhan yahay, dhammaan dhinacyaduna ugu tartamaan si siman.

Dhaqan-gelinta jadwalka iyo waqtiga kama dambeyska ah ee doorashada waxaa lama huraan ah in loo helo hannaan doorasho ee dhammaan daneeyeyaashu doorashada ku shaqeeyaan si loo fududeeyo diyaarinta iyo hirgelinta doorashada loona xaqiijiyo in dhammaan ururada siyaasadda si siman loola dhaqmo, iyadoo la raacayo shuruucda doorashooyinka