Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi.
Ugu horeyn, Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa safiirka ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda, iyagoo si wadajir ah u koormeeray waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Keydka Qaranka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda wararka SONNA, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada waaxyaha.
Koormeerka ka dib, Wasiirka ayaa Safiirka la yeeshay kulan looga hadlaayay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska, horumarinta luuqadda Carabiga iyo la dagaallanka macluumaadka marin-habaabinta iyo been abuurka ah.
Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi, Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo soo nooleynta luuqadda Carabiga, isagoo xaqiijiyey in Jaamacadda Carabtu ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato taageerada dadaalladaas iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.
Ugu dambeyn wasiirka iyo safiirka ayaa booqday xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxda ciyaaraha dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay qeyb ka tarjumeysa hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Safiirka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo horumarinta luuqadda Carabiga.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.















