Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo Howlo Shaqo u jooga Magaalada Baydhabo, xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa Kormeer Shaqo ku tegay Difaacyada hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee Amniga iyo tan Nololeed ee Magaalada, iyagoo sidoo kale qiimeeyay xaaladda Ciidamada iyo Goobaha ay ku sugan yihiin.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan “Isxaaq Berdaale”, ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiisha la socotay warbixin guud ka siiyay xaaladda Amniga, Howlgalladii iyo Dagaalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamadu galeen iyo Guulaha laga gaaray Kooxaha Cadowga ah.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada Geesiyaasha ah ugu hambalyeeyay Guulaha ay gaareen, isagoo uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay uga feejigan yihiin dhaq-dhaqaaqyada Cadowga iyo sida ay uga go’an tahay Difaaca Shacabka ay dhaarta u mareen inay u adeegaan.




