Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Abdisalam Ali, abaalmarin lagu maamuusaayo in Wasaaradda ay tahay Wasaaradda labaad ee ugu waxqabadka wanaagsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sannadkan.
Abaalmarintaan ayaa lagu bixiyey bandhigga sanadlaha ah ee isla xisaabtanka dowladda, kaas oo lagu qiimeynayey waxqabadka hay’adaha dowladda iyo heerka ay ku fuliyeen qorshayaashii iyo bartilmaameedyadii loo dejiyey sannadka 2026.
Madaxweynaha ayaa Wasiirrada ku boorriyey inay sii xoojiyaan waxqabadka, isla markaana ay ka faa’iideystaan natiijooyinka la gaaray sannadkaan.
Wasiir Abdisalaan Cabdi Cali ayaa abaalmarintaan u hibeeyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda iyo Safaaradaha iyo Ergooyinka Soomaaliya ee dibadda, isaga oo ku tilmaamay abaalmarintaan mas’uuliyad ka weyn inay tahay guul la gaaray.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinaayo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

