Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Jamhuuriyadda Yemen, Dr. Afrah Abdulaziz Al-Zouba, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee ka taagan Dalka Yemen.
Wasiir Abdisalaan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Dowladda Soomaaliya ee ku aadan midnimada, amniga iyo xasilloonida Yemen.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale carabka adkeeyay danaha ay wadaagaan labada dal ee deriska ah ee ku kala yaalla labada dhinac ee Gacanka Cadmeed, gaar ahaan amniga badda iyo badqabka isu socodka maraakiibta caalamiga ah.

