Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay Xiriirka Taariikhiga ah iyo Iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, ee ku dhisan is-Ixtiraam, Is-aaminaad iyo Danaha Wadajirka ah ee Labada Dal iyo Labada Shacab.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta Iskaashiga Labada Dal, gaar ahaan Horumarinta Xiriirka iyo wada-shaqeynta Hay’adaha Sharci-dejinta, iyo ballaarinta Iskaashiga Labada Dowladadood.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey Taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda marxalidihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safiirka ay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Saaxiibtinimada iyo Iskaashiga Labada Dal.



