Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, (GMXIQ) Maryan Qasim, ayaa maanta xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho ku qaabishay Wakiilka cusub ee Joogtada ah ee Hay’adda UNDP Somalia, Mudane Christophoros Politis iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga iyo UNDP Somalia, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta hay’adda, kobcinta awoodda shaqo, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyo sidoo kale xoojinta hannaannada la-socodka xuquuqul insaanka, diyaarinta warbixinnada iyo maaraynta cabashooyinka.

Wakiilka Mudane Politis ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay hay’adda UNDP uga go’an tahay taageeridda Guddiga si uu u noqdo hay’ad xooggan oo madax-bannaan, awoodna u leh inay si wax-ku-ool ah ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah xubnaha Guddiga, Agaasimaha Guud ee Guddiga iyo la-taliyayaal ayaa labada dhinac waxay isku raaceen in la sii ambaqaado iskaashi muddo-dheer socon doona oo lagu xoojinayo waxqabadka Guddiga, laguna taageerayo gudashada waajibaadka Dastuurka ee Guddiga.