Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, General Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Cirka Masar, General Amr Abdelrahman Saqr.
Labada Taliye ayaa kulankooda kaga wada hadlay horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidamada Cirka Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada tababarka, khibrad-wadaagga, dhismaha awoodda iyo horumarinta tayada Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Masar waxay leeyihiin taariikh dheer oo ku dhisan xiriir iyo iskaashi dhinacyada amniga iyo difaaca ah, iyadoo labada dal ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dowladood iyo shacab.

