Shirka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada oo lagu qabtay Magaalada Salvador ee Dalka Brazil

Salvador(Wargeyska Dalka);-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Mudane Liibaan Obsiiye, ayaa Magaalada Salvador ee Dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qaybgaleen Mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday Dalal Afrika iyo Koonfurta Amerika.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo Fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka Cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha Dalalku ay kala kulmaan helitaanka Maalgelinta Cimilada.

Intii uu socday Kulanka Saddexda Maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta Cimilada, oo ay ka mid yihiin Dakhliga Gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha.

Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran, Liibaan Obsiiye ayaa Dalalka iyo Hay’addaha kala duwan ee Shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta Cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo Dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka Cimiladu.

“Soomaaliya oo ka mid ah Dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka Cimilada, waxaan Fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta Cimilada.

“ Waxaan sidoo kale sharaxay sida ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda Mustaqbal waara.” Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liibaan ObsiIye.

 

Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda Iskaashiga Caalamiga ah, Hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka Cimilada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Gobolka iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.

Waxaa shirkaan oo ah meertada 2-aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hay’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee Dalka Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).