Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, kaas oo looga hadlay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, waxqabadka Xukuumadda iyo Warbixin la xiriirta Sumadda Qaranka Soomaaliya.
Kulanka oo uu guddoominayay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Golaha looga dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ay soo jeediyeen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda amni ee guud ahaan dalka.
Wasaaradahaย ayaa warbixintooda kuย sheegay in ciidamada qaranku guulo muhiim ah ka gaareen dagaalladii ka dhanka ahaa Khawaarijta, kuwaas oo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, isla markaana lagu dilay tiro ka mid ah horjoogayaashii Khawaariijta ee maleegayay dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, ayna kordheen tirada isdhiibayaasha iyo maxaabiista laga qabqabtay Khawaariijta.
Sidoo kale, Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan dib-u-eegista iyo qiimeynta waxqabadka Xukuumadda DanQaran, iyada oo Xukuumaddu ay gashay sanadkeedii shanaad ee ay u adeegayso shacabka Soomaaliyeed, si loo qiimeeyo horumarka laga gaaray qorshayaashii iyo waajibaadkii loo igmaday.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay warbixin ku saabsan Sumadda Qaranka, taas oo ay si wadajir ah usoo jeediyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Xafiiska Raโiisul Wasaaraha.
Raโiisul Wasaare Mudane Xamsa ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiga Summadda Qaranka , isaga oo xusey in ay muhiimad weyn leedahay iswaafaqinta iyo hagaajinta astaamaha qaran, si dhammaan hayโadaha dowladda ugu suurtogasho u adeegsiga calaamado iskumid ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ammaanay wasaaradda amniga iyo Wasaaradda Gaashaandhiggaย xaqiijinta amniga guud ahaan dalka oo maraya heer lagu diirsado.
โQof aan hub laโaan socon karin ma leh caasimadda, hub lagu xaragoodo ma doonayno, hubka la wato kaliya waa in uu noqdaa midย hawlgal amni lagu xaqiijinayo, ciddii kale ee hub wadata waa in la marsiiyaa habraacyadii amnigaโ ayuu faray laamaha amniga Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la hadlayay Golaha Wasiiradda.

