Shirka Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xoojinta amniga iyo qodobbo kale

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta amniga, xaaladda siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan sidii loo taageeri lahaa bulshada ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha.

Golaha Wasiirada ayaa si gaar ah uga dooday xoojinta amniga iyo nabadgelyada deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo la isla eegay sidii loo dardar-gelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida shacabka.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo howlaha dowladda, lana xoojiyo siyaasadaha iyo qorshayaasha wax ka qabanaya baahiyaha bulshada iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.