Wasiirka Amniga oo ka qeybgalay Madasha Amniga ee Lianyungang

asiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Shacabka 2026, oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.

 

Madasha oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 2,100 qof oo ka kala socda 139 dal, gobol iyo hay’ado caalami ah, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga amniga iyo sidii si wadajir ah looga jawaabi lahaa khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.

 

Ajandaha madasha waxaa ka mid ah la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, dambiyada internetka, mukhaadaraadka, amniga socdaalka iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah ee amniga.