Xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC) ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,kuwaas oo uu wada tashi kala yeeshay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed, oo ku saleysan Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka waxaa uu soo bandhigay natiijooyinka muhiimka ah ee sahan laga qaaday bulshada iyo daraasad oo uu Goluhu ka sameeyay George Conway, isku-duwaha He’yadaha Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ee dhinaca nabadda iyo koboca dhaqdhaqaaqyada ganacsiyada cusub ee ay nabaddu abuurayso.

Hindisuhu oo cilmi-baaris dhaqaale ku qotoma wuxuu si qoto dheer u eegi doonaa qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha si loo dardargeliyo koboca iyo isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya.