Muqdisho(Wargeyska Dalka):Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Intii uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay Koox Miinooyin dhigaysay oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howllanaa diyaarinta iyo dhigista Miinooyin iyo Waxyaabaha Qarxa oo lagu bartilmaameedsanayo Waddooyinka ay isticmaalaan Gaadiidka Shacabka.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo Amniga Shacabka iyo isu-socodka Bulshada, iyadoo Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ay kaashanayaan Saaxiibada Caalamiga ah.
Ciidamada ayaa sii wadi doona hawlgallada ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Amniga iyo xasilloonida guud ahaan Dalka.

