Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Muqdisho,(WARGEYSKA DALKA):- Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Duulimaadka ee Salam Air dhacdadii gacan-qaadka iyo hab-dhaqankii aan habboonayn ee loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda.

Wasiirka ayaa si cad u cambaareeyey fal kasta oo wax u dhimaya karaamada, sharafta, iyo badqabka shaqaalaha diyaaradaha iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya garoomada dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in hab-dhaqankaas uusan ka tarjumayn nidaamka iyo asluubta Dawladnimo ee Soomaaliya.

Si looga fogaado in falalkan oo kale ay mar kale soo laabtaan, Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa:

Tallaabooyin sharci ah: In ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ku habboon oo laga qaadayo cid kasta oo ku lug lahayd falkaas.

Badqabka Garoomada: In kor loo qaadi doono nidaamka ilaalinta iyo nabadgelyada shaqaalaha shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala dalka.

Ixtiraamka Wada-shaqaynta: In la dhawri doono heshiisyada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka ee u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay mar kale u xaqiijinaysaa Shirkadda Salam Air iyo dhammaan shirkadaha kale ee duulimaadka in si buuxda loo dammaanad-qaaday ammaankooda iyo sharaftooda inta ay ku guda-jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.