Wasiirka Waxbarashada oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u jooga Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caalim.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Waxbarasho ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya, gaar ahaan sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Dowladda Aljeeriya uga mahadceliyey Taageerada iyo Xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo Iskaashiga Labada Dal, gaar ahaan dhinaca Waxbarashada oo Laf-Dhabar u ah Horumarka iyo Mustaqbalka Labada Shacab.

 

FB_IMG_1788692979282.jpgFB_IMG_1788692973175.jpgFB_IMG_1788692968752.jpg