Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, G/le Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa Kulan dhiirrigelin ah la qaatay Ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare.
Taliyaha ayaa xusay in Ardaydu ay mudan yihiin Maamuus iyo dhiirrigelin, isagoo sheegay in mar walba la garab taagan yahay. Waxa uu sidoo kale ku boorriyay Ardayda inay sii wadaan dadaalkooda iyo hanka Waxbarasho, si ay Mustaqbalka ugu noqdaan kuwo waxtar u leh Dalkooda iyo Dadka Soomaaliyeed.
Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, oo hore ugu ballanqaaday Ardayda Kaalmaha hore gashay Dalxiis, ayaa Magaalada Jowhar u Dalxiis geeyay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare.




