Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday Dalka Hindiya

Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraysaa Qoyska, Ehellada, Bahda Aqoonta iyo dhammaan Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, oo ku geeriyooday Dalka Hindiya.

Marxuumka waxaa si gaar ah u loogu xusuusan doonaa Kaalintii Aqooneed iyo midda Taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay Horumarinta Afka Soomaaliga, kobcinta Aqoonta iyo Dhismaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Wasaaradda Waxbarashada waxay Alle uga baryaysaa Marxuumka inuu Alle Naxariisto iyo inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, Ehelkii, Qaraabadii, Bahda Akademiyada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.