Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi

Doha, (Wargeyska Dalka)–Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa Magaalada Doxa ku kala saxiixday Heshiis Iskaashi oo Saldhig u noqonaya Dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University).

Warkaan oo lagu daabacay Bogga ay Wasaaraddu ku leedahay Baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in Jaamacadda Cusub ay bixin doonta Waxbarasho Farsamo iyo mid Xirfadeed oo Tayo leh, iyada oo Jaamacadda Doxa (UDST) ay ka taageerayso Manhajka, Tayeynta Macallimiinta, hubinta Tayada iyo Shahaadaynta.

Wejiga Koowaad ee Mashruucan ayaa diiradda saaraya Takhasusyo ay ka mid yihiin Tiknoolajiyada, Cilmiga Badaha, Duulista, Batroolka, Injineernimada, Tamarta iyo maaraynta Caafimaadka, taasi oo gacan ka geysanaysa kobcinta Aqoonta iyo Xirfadaha Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029-ka, waxaana lagu horumarinayaa Tayada Waxbarashada iyo Xirfadaha looga baahan yihiin Suuqa Shaqada, iyada oo mudnaan la siinayo Tababbarka Macallimiinta Soomaaliyeed ee noqonaya Maamulka iyo xoogga Tacliin bixinta ee Jaamacadda Cusub.

Ugu dambayn, Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Qatar taageerada iyo Iskaashiga joogtada ah ee ay la Garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dhanka Wasaaradda Waxbrashada waxaa heshiiskan u saxiixay Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, dhanka Jaamacadda UDST-na waxaa u saxiixay Prof Rashid Benlamri, Madaxweyne Ku Xigeenka dhanka Waxbarashada ee Jaamacadda UDST.

Munaasabadda saxiixa Heshiiskan waxaa Goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Qatar iyo Mas’uuliyiin Sare oo ka socday Jaamacadda UDST.

heshiis1.jpg