Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Maxamed Caalim.
Kulan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo dabagalka dhinacyada Iskaashiga ee lagu heshiiyey Bishii May ee Sanadkan, xilligii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Xoosh, booqashada ku joogay Dalka Aljeeriya.
Dhinacyada Iskaashiga waxaa ka mid ah dib-u-heshiisiinta, xasilinta, Amniga, Dowladnimada Hoose, Dhismaha iyo tayeynta Hay’adaha, adkeysiga, diiwaangelinta madaniga ah iyo Aqoonsiga Qaranka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Iskaashi Hay’adeed oo wax-ku-ool ah iyo is-weydaarsiga khibradaha farsamo ee u dhexeeya Hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyeen Wasiir-Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,




