Howlgallo lagu dilay Xubno katirsan Khawaarijta oo ka dhacay Xadka u dhexeeya Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wada duleedka Deegaanka Basra, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Intii uu socday howlgalka, Ciidamadu waxay dileen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jireen laba Horjooge. Waxay sidoo kale ka furteen Hubkii ay wateen.

Howlgalka ayaa weli socda, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab si looga sifeeyo Deegaannada ku teedsan Basra, loona xaqiijiyo Amniga iyo badqabka Shacabka. Natiijada rasmiga ah ee howlgalka ayaa lala wadaagi doonaa Bulshada marka uu soo gabagaboobo.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay bogaadinaysaa geesinimada, Naf-hurnimada iyo dadaalka Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ee ku howlan xaqiijinta Amniga Dalka. Waxay sidoo kale caddaynaysaa in howlgallada lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, laguna xoreynayo Deegaannada Dalka, ay sii socon doonaan ilaa Shacabka Soomaaliyeed laga dulqaado khatarta Kooxaha Argagixisada ah.

 

FB_IMG_1788159282109.jpg