HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho Shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed, oo dib-u-casriyeyn iyo horumarin lagu sameeyey.<br>

Hoggaamiyaha ayaa Xarunta Wasaaradda waxaa ku soo dhoweeyey Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo u kuurgalay Shaqada iyo Adeegyada ay Wasaaraddu u hayso Bulshada, gaar ahaan howlaha Warfaafinta, wacyigelinta iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Dowladda.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo Xarunta Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Hay’adaha Dowladda loo sameeyo Xarumo Casri ah oo awood u siinaya inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha Bulshada.<br>

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ballanqaaday in Dowladda ay diyaar u tahay dhammaystirka wixii ka dhiman horumarinta Wasaaradda.

Sidoo kale, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta, Mudane Nuur Siidow Baba, ku adkeeyey in la sii xoojiyo tayeynta Shaqada Warfaafinta, adeegsiga Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo wacyigelinta Bulshada, si Shacabka loo gaarsiiyo xog sugan, degdeg ah oo la isku halayn karo.

 

FB_IMG_1788084662359.jpgFB_IMG_1788084657869.jpgFB_IMG_1788084660041.jpg