Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qayb galay Daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed

MUQDISHO(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa Xalay ka qayb galay Munaasabad lagu Daahfuray Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaas oo lagu tarjumay Luqadda Carabiga.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta Xusuus-Qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo Buugga u tarjumay Luqadda Carabiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, Qorista iyo Faafinta Taariikhda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in Taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka Waayihii kala duwanaa ee Dalka soo maray iyo dhisidda Jiil garanaya Taariikhda Dalkiisa iyo halgankii loo soo maray Dowladnimada Soomaaliya.