Wasiir dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo la kulmay wasiirka madaxtooyada Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo hoggaaminaya wafdi Dowladda Federaalka Soomaaliya ah oo booqasho shaqo ku jooga Dalka Tanzania, ayaa waxaa magaalada Dodoma ku soo dhaweeyey Mudane Ridhiwani Kikwete, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Tanzania.

Labada Wasiir ayaa yeeshay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray khibrad wadaag dhanka dib-u-habaynta adeegga dadweynaha, maamulka iyo maareynta shaqaalaha dowladda, shaqaaleysiinta ku saleysan karti, tartan iyo Hufnaan, nidaamyada danabaysan ee maaraynta waxqabadka dowladda, isla-xisaabtanka hay’adaha, horumarinta hoggaaminta iyo casriyeynta hannaanka maamul ee shaqaalaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, xirfadaha shaqaalaha dowladda, hoggaaminta, maamulka waxqabadka iyo is-weydaarsiga khibradaha dib-u-habaynta adeegga dadweynaha.

Intaas kadib, wafdiga Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan loo asteeyay aqoon iyo khibrad wadaag ah sida Arrimaha Golaha Wasiirrada iyo Casriyeynta Xoghaynta Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay khibradda Tanzania ee habraacyada Golaha Wasiirrada, diyaarinta iyo maamulka dukumentiyada, maaraynta ajandaha, dabagalka go’aannada Golaha Wasiirrada, la socodka fulintooda, danabaynta habraacyada shaqo iyo xoojinta isku-duwidda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.