Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo u kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta hore, gurmadka deg-degga ah iyo adkeysiga bulshada.