Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo baxa cariga Boqortooyada Ingriiska ayaa Warbixin uu ka qoray Magaalada Muqdisho Cinwaan uga dhigay: “Mogadishu no longer deserves its deadly reputation”.
Waxaa la joogaa waqtigii Sawirka Caalamku ka haysto Muqdisho is beddeli lahaa, Warbixintu waxay tilmaamaysaa isbeddel weyn oo dhinaca Amniga ah, iyagoo u sababeeyay.
1. Kaamirooyinka CCTV-ga oo Magaalada lagu wada xiray.
2. Baraha Kontoroolada iyo hubinta Gaadiidka oo la casriyeeyay.
3. Hay’adaha Amniga oo adeegsanaya iPad-yo ku xiran keyd xogeed lagu hubiyo Gaadiidka.
4. Sirdoonka iyo dabagalka dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo oo aad loo horumariyay.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan Dhismooyin Waaweyn, Ganacsiyo Cusub oo furmaya, Soomaalidii Dibadda oo maalgelin sameynaysa, taas oo ay leeyihiin waxaa sababay Amniga oo noqday mid la isku haleeyn karo
“Mucaarad Muraayad la’aan ah!” waa qormo uu cinwaan uga dhigay mudane Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS.
“Jaantuska kore waa Caalamkii oo ka marqaati kacaya Amniga Muqdisho, bal ka warama Madasha Calaacalka qiimaynteeda Indha la’aanta ah marka ay ka hadlayaan Amniga Muqdisho oo ay ku hadaaqaan “Muqdisho Amni kama jiro”.
Xogta ay ururisay Armed Conflict Location and Event Data Project (ACLED), oo ah Hay’ad u xilsaaran la socodka colaadaha, waxa ay muujinaysaa in tirada Dhimashada Magaalada Muqdisho ee lala xiriirinayo Al-Shabaab ay Sannadkan 2026 ku socoto inay noqoto tii ugu hooseysay tan iyo markii Kooxdaasi soo ifbaxday.
Tani waa dadaal iyo isbeddel weyn oo dhinaca Amniga ah, waxayna muujinaysaa hoos u dhac aan sacabada la saari karin oo ku yimid saameynta Weerarradii Kooxda Khawaarijta iyo Horumar laga sameeyay sugidda Amniga iyo Difaaca Caasimadda.
Muqdisho waxay si tartiib ah uga guureysaa Magac-xumadii hore ee ahayd Caasimad ay rabshaduhu hareeyeen. Horumarkan waxaa Saldhig u ah adkeysiga Shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka joogtada ah ee Ciidamada Qaran Soomaaliyeed oo Khawaarijtii kula diriraya Duurka fog iyo kuwa Amniga Gudaha oo soo jeeda.
“Muqdisho Maanta ma aha Muqdishadii Shalay, Kooxaha Mucaaradkana ha u Kala soocnaanto Muqdisho iyo Mucaaradnimadu”, ayuu yiri mudane Axmed Macallim Fiqi.
Jaantuskan hoose ayaa waxa uu Caalamkii uga marqaati kacaya Amniga Muqdisho.

