Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho Tababar ugu soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktriinka, Jeneraal Axmed Ciise Axmed, ayaa Tababar u soo xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-Somalia), Brigadier General Elio Manes,Saraakiisha ayaa Tababarka ku qaatay Dugsiga Tababarka S/Guuto Dhagabadan, iyadoo lagu xoojiyay Aqoontooda, xirfaddooda iyo Awooddooda hoggaamineed.






