Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana Shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.
Intii uu Kulanku socday, Xubnaha Guddiga ayaa ka dooday Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciga lagu aas-aasayo Hay’adda Dakhliga Soomaaliyeed oo ah Hay’ad Madax-Bannaan oo Dastuuri ah.
Guddiga ayaa isku raacay in la sii wado ka doodista Hindise-Sharcigan, iyadoo la dhammaystirayo Qodobbadiisa, si loo diyaariyo Warbixinta Akhrinta Labaad ee Sharciga.




