GUDDIGA XEER-HOOSAADKA EE GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY IS WAAFAJINTA XEER-HOOSAADKA GOLAHA IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho,(Wargeyka Dalka):- Guddiga xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Xafiiskiisa, Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana Shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka loo waafajin lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la hubinayo in Habraacyada iyo Xeerarka Golaha Shacabka ay si buuxda ugu salaysnaadaan Mabaadi’da iyo Qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Guddiga uu gaaray go’aan iyo is-afgarad ku aaddan Qodobbada Dastuurka ee u baahan in la waafajiyo Xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka, si loo xoojiyo isku-xirnaanta nidaamka Dastuuriga ah iyo Habraacyada Shaqo ee Golaha Shacabka, loona caddeeyo hannaan Shaqo oo waafaqsan Sharciga dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) ayaa sheegay in Iswaafajinta Xeer-hoosaadka iyo Dastuurku ay muhiim u tahay xoojinta ku-dhaqanka Sharciga, ilaalinta Haybadda iyo madaxbannaanida Golaha Shacabka, dhowrista Xuquuqda iyo waajibaadka Xildhibaannada, iyo sidoo kale Horumarinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada Shaqada Golaha.

Guddoomiye Maxamed Cajiib ayaa sidoo kale sheegay in guddiga uu sii wadi doono shaqada muhiimka ah ee Guddiga, isagoo ka shaqaynayna in Golaha Shacabka uu yeesho hannaan Sharci iyo habraac si buuxda u waafaqsan Dastuurka, kana tarjumaya baahida loo qabo Gole Shacab oo awood leh, hufan, isla-xisaabtan leh, kana shaqeeya danta guud iyo horumarka Qaranka Soomaaliyeed.