“Wariyeyaasha Nabadda” oo laga daahfuray Muqdisho

Muqdisho, 22 Agoosto 2026 — Iyadoo ay taageerayso Boqortooyada Sacuudiga, ayaa Isbahaysiga Islaamiga ah ee Milatariga ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) magaalada Muqdisho ka daahfuray hindisaha “Wariyeyaasha Nabadda”, kaas oo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliya ee ka hortagga fikirka xagjirka ah, hadallada nacaybka, wararka marin-habaabinta iyo dacaayadaha argagixisada ee baraha dijitaalka ah.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Mughaydi, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, amniga iyo hay’adaha la dagaallanka argagixisada.

Hindisaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo awoodda warbaahinta iyo saxafiyiinta, si ay u falanqeeyaan una xaqiijiyaan xogta, u ogaadaan dacaayadaha xagjirka ah, akoonnada been-abuurka ah iyo ololeyaasha abaabulan ee marin-habaabinta bulshada. Barnaamijka tababarka ayaa 40 qof oo ka tirsan saxafiyiinta, warbaahinta, aqoonyahannada iyo khubarada la xiriirta la-dagaallanka argagixisada lagu siinayaa tababar ku saabsan falanqaynta hadallada xagjirka ah iyo nacaybka ee warbaahinta dijitaalka ah, hubinta xogta, sirdoonka ilaha furan (OSINT), falanqaynta sawirrada iyo muuqaallada, iyo la socodka faafitaanka xogta been-abuurka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in la-dagaallanka argagixisadu aanu ku koobnaan karin howlgallada milatari iyo kuwa amni oo keliya, balse loo baahan yahay warbaahin masuul ah oo bulshada ka ilaalisa marin-habaabinta, xagjirnimada iyo nacaybka, isla markaana xoojisa nabadda iyo wada noolaanshaha.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Maxamed bin Saciid Al-Mughaydi, ayaa isna sheegay in kooxaha argagixisadu ay si weyn uga faa’iideystaan baraha dijitaalka ah si ay u faafiyaan dacaayad, u saameeyaan ra’yiga bulshada, una sameeyaan isku dayo abaabul iyo qorista taageerayaal. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in saxafiga xirfadda leh uu yahay safka hore ee dagaalka ka dhanka ah marin-habaabinta iyo fikirka xagjirka ah, isagoo tilmaamay in hindisaha “Wariyeyaasha Nabadda” uu yahay tallaabo lagu xoojinayo awoodda warbaahinta Soomaaliya ee ka qeybqaadashada ilaalinta amniga iyo nabadda bulshada.