๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022โ€“2026, taasi oo lagu dhex diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid Madaxda Sare ee Dalka.

Howl-wadeennada diyaarinaya Warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la-wadaagay Raโ€™iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee Amniga, Dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, Soomaali-heshiis ah, Dunidana heshiis laโ€™ah, iyo Garsoorka, iyada oo Warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, Midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si Bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan Argagixiso joogin, Soomaali Barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, Dalkeedana Maalgashatay.

โ€œWaxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo Horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga Dalkeenna iyo Midnimada Ummadda, waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ahโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay in Warbixinta Wax-qabadka ayaa sheegay in Warbixinta wax-qabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo Shacabka Soomaaliyeed, si Bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus oo i taabsii ah,

Warbixinta waxaa qeyb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dowladda, iyada oo warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si loogu sameeyo Tifaftir dhanka Qoraalka iyo Eray-bixinta Afka Soomaaliga ah maadaamaa ay tahay dhaxa-reeb

 

FB_IMG_1787483223087.jpg 

FB_IMG_1787483203768.jpgFB_IMG_1787483208579.jpgFB_IMG_1787483213723.jpg