Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga bilaabatay Munaasabadda daahfurka Mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC) ka fulinaayo Soomaaliya.
Mashaariicdan waxaa ugu horreeya Barnaamijka Wariyaasha Nabadda oo lagu xoojinayo doorka Warbaahinta iyo Wariyeyaasha ee ka hortagga Xagjirnimada iyo Argagixisada iyo kor u qaadista Nabadda iyo wacyigelinta Bulshada.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalaya Wasiirro ka tirsan XFS oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirro iyo Wakiillo ka socda Isbahaysiga IMCTC iyo Saaxiibada Caalamka.





