Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo, kaddib Safar shaqo oo uu ku joogay Muqdisho.

Hoggaamiyaha iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana soo dhoweynta ka qeyb galay Mas’uuliyiin, Saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in xaaladda Amni ay wanaagsan tahay, isla markaana Khawaarijta dhawaan lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Shacabka soo dhoweynta, wuxuuna ku bogaadiyay Ciidamada iyo Hay’adaha Amniga dadaallada ay ugu jiraan sugidda Amniga. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Dhalinyarada ku jira Safafka Khawaarijta inay ka soo laabtaan fikirka qaldan, isla markaana Dowladda isku soo dhiibaan.

Hoggaamiyaha ayaa Shacabka Magaalada Baydhabo ugu baaqay inay ka feejignaadaan Wararka iyo Dacaayadaha lagu faafinayo Baraha Bulshada ee lagu cabsi gelinayo Shacabka.

 

FB_IMG_1787389527872.jpgFB_IMG_1787389538991.jpgFB_IMG_1787389544486.jpgFB_IMG_1787389558663.jpg