Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar ku qaaday Deegaanno ay ku dhuumaaleystaan Argagaxisada ayaa Horjooge Cabdullaahi Maxamuud Odowaa (Faadhuud) 57 jir Khawaarijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka kuna biiray 2009-kii ku dilay Deegaanka Tawakal
Faarax Ismaan Raage iyo Jacfar Axmed Dhuxul oo Ciidanka ka tirsan ayaa Goob ay maamulaan Khawaarijta ku soo dhex dilay Horjoogahaan oo aad looga yaqaanay Deegaanka islamarkaana dhibaato farabadan ku hayay Shacabka.
Ugaarsiga Horjoogayaasha Khawaarijta ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa aad u xoogeystay Maalmihii lasoo dhaafay.

