Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn, Mudane Cali Bin Saalix Al-Saalix, kaas oo ugu hambalyeeyay doorashadiisa, una rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo doortay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn uga mahadceliyay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo diray.

