Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sareeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashada wafdiga ayaa la filayaa inay xoojiso iskaashiga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo IMCTC ee dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo is-dhaafsiga khibradaha.