Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay dadkii ay eheladooda ku waxyeelloobeen dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay jasiiradda Flores ee Jamhuuriyadda Indonesia.
War Saxaafaeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in ay dowladdu aad ugu murugooneyso mashaqada ka dhacday Indonesia “ Iyadoo ku hadlaysa magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo shacabka Indonesia, iyo dhammaan dadka ay ka geeriyoodeen eheladooda”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Indonesia xilligaan muragada badan, waxayna bogaadinasay dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta Indonesia ee lagu gaarsiinayo gurmadka degdegga ah bulshada ay musiibadu saameysay.
Maadaama labada dal ay yihiin xubno ka wada tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ku dhisan saaxiibtinimo iyo walaaltinimo.
Soomaaliya waxay Alle uga baryaysaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay, samir iyo iimanna ka siiyo qoysaska ay musiibadu saameysay.
Dhul gariirka oo dhacay manta xilli hore ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 5.9 Magnitude, kaas oo sababay dhimashada tobannaan qof, dhaawaca dad badan, isla markaana barakiciyay in ka badan shan kun oo qoys.

