NIRA oo ka qaybgashay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Dad-dhigista ee Jaamacadda Carabta

Maareeye Kuxigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) Cabdiraxmaan Siciid Axmed ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Dad-dhigista ee Jaamacadda Carabta, oo lagu qabtay magaalada Tunis, Jamhuuriyadda Tunisia – 19-20 Agoosto 2026.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin casriyeynta nidaamyada aqoonsiga, astaamaha farsamo iyo kuwa amni ee kaararka aqoonsiga dalalka Carabta, ilaalinta xogta shakhsiga ah, amniga xogta iyo is-weydaarsiga khibradaha hay’adaha ay shaqadani khusayso.

Ka qaybgalka Hay’adda NIRA wuxuu qayb ka yahay dadaallada Hay’addu ku xoojinayso horumarinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradaha iyo hababka casriga ah ee gobolka iyo caalamka.