Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka jeediyay Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha oo ka socota magaalada Beijing.
Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso la qabsigacasriyeynta warbaahinta, caqabadaha ay la wadaagto wadamada gobolka gaar ahaan aaladaha casriga sida isticmaalka warbaahinta ee garaad gacmeydka ( AI) xoojinta Warbaahinta cusub, iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo warbaahin casri ah oo la jaanqaadi karta isbeddellada degdegga ah ee dunida.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta loo adeegsado horumarinta bulshada, gudbinta xog sugan iyo xoojinta xiriirka iyo midnimada bulshooyinka, isaga oo adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta warbaahin xirfad iyo masuuliyad ku dhisan.
Wasiir Cabdulfataax ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga warbaahineed ee Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda, tababarrada, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha warbaahinta, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si firfircoon uga faa’iideysato fursadaha iskaashi ee madashani abuureyso.
Wasiirka waxaa Madasha ku wehliyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte.

