Waa kuma Xasan Calasow?

Shalay ilaa Maanta ayaa waxaa Baraha Bulshada qabsaday Laba Wiil oo Dhallinyaro ah ayaa 17-kii Agoosto 2026-ka Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka mid ah Horjoogayaasha ugu halista badnaa Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ka howlgala Gobolka.

Labada Dhallinyarada ah ayaa Horjoogaha dilay, kadibna ka furtay Qori AK-47 ah iyo Rasaastii uu watay. Xasan Calasow Raage ayaa ka tirsanaa Horjoogayaasha ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ahaa Horjoogaha Gaadiidka Gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan Madaxa Sakawaadka Degmada Ruun Nirgood, isagoo ahaa Horjooge si weyn looga yaqaanay Degmada iyo Deegaannada ku hareeraysan.

Horjoogahan ayaa Dadka ku nool Degmada iyo Deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca Hantida iyo Xoolaha, Cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka Degmada iyo Deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan Degmada.

Haddaba waa kuma Xasan Calasow?

Horjoogaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo Da’diisa lagu sheegay 50 jir, kuna dhashay Degmada Ruun Nirgood.

Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaanay Xasan Xusuleey, ayaa 17-kii Agoosto 2026-ka lagu dilay Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha dhexe’ wuxuu ahaa Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo Mas’uul ka ahaa hawlaha Gaadiidka Kooxda ee gobolka, horena u soo noqday Madaxa ururka u qaabilsan ururinta waxa ay ugu yeeraan ‘Sakawaad’ ee Ruun-Nirgood’

Dilka Xasan Xusuleey wuxuu leeyahay muhiimad Amni oo ka weyn khasaaraha hal Sarkaal. Marka laga eego dhinaca Amniga, dhacdadani waxay muujin kartaa daldaloolo ka jira ilaalinta iyo Sirdoonka Gudaha Al-Shabaab, gaar ahaan marka Sarkaal mas’uuliyad Sare haya uu ku dhinto Deegaan uu Kooxdu muddo ka hawlgashay, waxaa halkaasi ka muuqanaya in Kooxdu xataa Sirdoonkeedda inuu liito.