Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Maanta Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, is-dhaafsiga Xogta iyo xaaladda Bani’aadannimo ee Dalka, gaar ahaan Duruufaha ay wajahayaan Dadka Nugul ee ay saameeyeen Musiibooyinka.
Masuuliyiinta Hay’adda SoDMA ayaa Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uga warbixiyay dadaallada Hay’addu ku bixiso u-diyaargarowga iyo ka jawaabista Musiibooyinka, iyo sidoo kale Gurmadka Bani’aadannimo ee loo fidiyo Bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xog-is-dhaafsiga, si loo horumariyo ka jawaabista xaaladaha Bani’aadannimo iyo ilaalinta Xuquuqda Dadka ay saameeyaan Musiibooyinka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Kulanka ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda iyo taageerada Bulshada Soomaaliyeed ee wajahaysa Xaaladaha Bani’aadannimo.



