Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay Kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ka qayb galay kulan ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaluhu la yeelatay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Warfaafinta, kaas oo lagu qiimeynayey diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026. Intii uu Kulanku socday, Maareeyaha Guud ayaa soo bandhigay horumarrada ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ku tallaabsatay Afartii Sano ee la soo dhaafay iyo doorka ay ku leedahay Horumarinta Dhaqaalaha iyo Adeegyada Duulista Dalka.

Mas’uuliyiintu waxay bogaadiyeen hannaanka nidaamsan ee Wasaaradda Qorsheyntu u waddo diyaarinta Warbixinta, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Waxqabadka Hay’addaha Dowladda lagu diiwaangeliyo xog sax ah oo la xaqiijiyey. Wasiirka Qorsheynta ayaa faray Kooxaha Farsamada inay dardargeliyaan dhammaystirka Warbixinta si ay u noqoto dukumenti rasmi ah oo si hufan uga tarjumaya Guulaha iyo Waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muddadii 2022–2026.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa WFP/UNHAS kala wareegtay Qalab Casri ah oo lagu xoojinayo Hawlgallada Raadinta iyo Badbaadinta (SAR).

War ay ku daabacday Bogga ay ku leedahay Baraha Bulshada ayay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) dhawaan Xarunteeda ku soo dhaweysay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), waxaana qayb ka ahaa Madaxa Qaybta Duulimaadyada ee Qaramada Midoobay (UNHAS) iyo Wakiillo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya. Intii ay booqashadu socotay, Maareeyaha HDRS Md. Axmed Macallin Xasan ayaa Wafdiga siiyay Warbixin ku saabsan horumarka ay Hay’addu gaartay, hawlaha mudnaanta u leh WFP/UNHAS iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga Labada dhinac.

Wafdigu waxa kale oo ay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee Hay’adda, iyagoo si weyn ugu ammaanay horumarka laga sameeyay Maamulka iyo Adeegyada Duulista Rayidka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay HDRS Qalab Casri ah oo lagu horumarinayo Hawlgallada Raadinta iyo Badbaadinta Shilalka Diyaaradaha (Search and Rescue – SAR), kaas oo la jaanqaadaya furitaanka Xarun Cusub oo shaqayn doonta 24 saacadood Maalintii. Qalabkan ayaa sare u qaadaya awoodda Isgaarsiinta degdegga ah, goobaynta iyo raadinta Diyaaradaha ama Dadka ku jira xaaladaha degdegga ah, iyo dardargelinta jawaab-celinta samatabbixinta iyadoo la waafajinayo heerarka Ururka Duulista Rayidka Adduunka (ICAO). Deeqdan ayaa qayb ka ah taageerada joogtada ah ee WFP/UNHAS ay siiyaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed si loo xoojiyo badqabka iyo amniga duulimaadyada Dalka.

Gebagebadii booqashada, WFP/UNHAS waxay caddeeyeen inay sii wadi doonaan taageerada ay ku horumarinayaan Garoomada Diyaaradaha Soomaaliyeed, tayeynta awoodda Shaqaalaha iyo horumarinta nidaamyada sharciyeed ee Hay’adda Duulista. Maareeyaha HDRS ayaa uga mahadceliyay WFP/UNHAS garab istaagga iyo iskaashiga ay la leeyihiin Hay’adda, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah ugu tallaabsanayso casriyeynta Maamulka Hawada iyo kor u qaadista badqabka Duulimaadyada. Ugu dambayn, labada dhinac ayaa kala saxeexday Dukumentiyada kala wareegidda Qalabka iyo is-afgarad lagu sii xoojinayo wada shaqaynta mustaqbalka.

Waxaa kaloo la casriyeeyay calaamadaha Dhabbaha ay Diyaaraduhu ku ordaan (Runway-ga) iyo Baakinka Diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, si loo xoojiyo badbaadada, hufnaanta iyo habsami-u-socodka howlaha Garoonka.

 

ca2.jpgCA1.jpgca4.jpgca3.jpgairport.jpg