๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐“๐ž๐ฅ๐ž๐Ÿ๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐ข ๐ค๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ž ๐ค๐š ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ardayda Soomaaliyeed ee ka gudubtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Dalka, ayaa dhanka Telefoonka kula xiriiray Saddexdii Arday ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka iyo Waaliddiintood.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa ardayda Soomaaliyeed, waaliddiintooda iyo macallimiintii wax-soo baray ku ammaanay dadaalka aan kala joogsiga lahayn, kartida iyo samirka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada, isaga oo si gaar ah u xusay in guusha maanta la gaaray ay tahay mid ka dhalatay juhdiga ardayda, taageerada waaliddiinta, dadaalka macallimiinta iyo bahda waxbarashada dalka oo iskaashaday si loo xaqiijiyo guusha ay maanta gaareen Ardayda Soomaaliyeed.

โ€œWaxa aan u hambalyeynayaa Macallimiinta, Waaliddiinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada dalka, waxa aan leeyahay hambalyo, ummad waxa ay ku dhisantaa oo isbeddelkeedu ka yimaada jiilkeeda waxbaranaya, markasta oo dadkeennu ay waxbartaan waxa aynu u dhowaananaa dhanka wanaagsan ee isbeddelkaโ€. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโ€™antahay in la-waayo arday Soomaaliyeed oo xilligii waxbarashada gaaray oo aan iskuul aadeyn, isaga oo waaliddiinta Soomaaliyeed ku boorriyey sida ay carruurteenna ugu barbaariyeen dhanka waxbarashada.

Ugu Dambayn: Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ballan-qaaday in dhammaan waxbarashadooda ay Dowladda Soomaaliya dabooli-doonto Saddexda Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ku guuleystay kuwaas oo kala ah.

๐Ÿ. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ข๐ข๐ฌ๐ž ๐ƒ๐š๐š๐ก๐ข๐ซ ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ, ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š: ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ-๐–๐š๐๐š๐š๐ , ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ-๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ.ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ๐Ÿ. ๐…๐š๐ซ๐ฑ๐ข๐ฒ๐š ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐ข๐ ๐š๐š๐ฅ, ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š: ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐๐ข๐ง๐ฎ ๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ, ๐Š๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ฒ๐จ-๐‰๐ฎ๐›๐š๐ฅ๐š๐ง๐.ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  3-๐€๐š๐ฆ๐ข๐ง๐จ ๐Š๐ก๐š๐š๐ฅ๐ข๐ ๐‚๐š๐›๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐, ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š: ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ ๐’๐ก๐š๐š๐Ÿ๐ข๐œ๐ข (๐’๐ก. ๐Œ๐š๐๐š๐ซ), ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ-๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ.