Muqdisho(Wargeyska Dalka);’Munaasabadda Sannad-Guurada 79-aad ee Xornimada Jamhuuriyadda Hindiya Awgeed, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Hambalyo iyo bogaadin diirran u diraysaa Dowladda iyo Shacabka Hindiya, iyadoo u rajaynaysa Nabad iyo Barwaaqo.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada Dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

