Magaalada Gaalkacyo oo lagu qabtay xuska 20-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Galmudug

Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 20-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Galmudug, taas oo ku beegnayd 14-ka Agoosto.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Galmudug, masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa lagu xusay taariikhda iyo horumarka Galmudug muddadii 20-ka sano ahayd, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada ku nool deegaannada Galmudug.

 

FB_IMG_1786773632286.jpgFB_IMG_1786773634636.jpg

 

FB_IMG_1786773634636.jpgFB_IMG_1786773626449.jpgFB_IMG_1786773629270.jpg